Waa maadees adduunyadu dadkuna waa ay matalayaan qofkasta oo banii,aadam ah waxbuu ku matalaa koonkan aynu saaranahay fikir iyo hamiyo badan ayuuna isugu daraa hammi kasta waxaa saldhig u ah riyada runta ah.
Shabeellada hoose waxa ay kamid tahay goballada ugu wax soo saarka badan ee dalkeena hadane qof kasta waxa uu u hanqal taagayaa tacbashada iyo wax soo saarka gobolka.
Taas badalkeeda waxaa sii dheer xasaradaha maalin waliba ka taagan gobolka oo shacabka har iyo habeen dhibaato ku haya arimahaasi.
Qof kasta oo mawaadin waxa uu jecel yahay inuu ku noolaado nabad, dadka kasoo jeeda gobolka shabeelada hoose aad ayey ujecel yihiin helitaanka nabad saldhigiisu yahay xasilloni iyo kala dambayn taasi inay helaan iska dhaafe maalin kasta waxaa dhagahooda kusoo dhaca waxyaabo aan ufiicneen maqalka aadanaha oo ay ugu dambeysay xasuuqii dhawaan carruur maati ah iyo ayeydood loogu geestay deegaan ka tirsan gobolka shabeelada hoose waxa ayna arrimahaasi walaac iyo naxdin ku abuurtay dadka deegaanka waxa ayna ku tilmaameen inay ahayd masiibo qaran.
Dadka indha indheeya xaalada gobolka shabeelada hoose ayaa tilmaamay in shabeelada hoose ay noqotay meel ay ubira tumanayaan deegaan ahaan dad aan kasoo jeedin gobolka balse waxa ay u muuqataa in dadka reer shabeelada hoose cidna umaqneen ceelna uqodneen.