Ciidamo uu hogaaminayay Taliye ku xigeenka Nabad Sugidda Maamulka Koonfur Galbeed Jeneraal Maxamed Xuseen Adeerey ayaa waxa ay gaareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Taliyaha oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin Magalaada ayna rabaan inay wax ka bedelaan xaalada Magaalada ka jirta.
Jeneraalka iyo Ciidamo uu horkacaayo ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Marka.
Waxa uu xaqiijiyay taliye ku xigeen in ay ka go’an tahay xasilinta ammaanka Magaalada Marka oo waayadan ahaa mid aan wanaagsaneyn dagaalna uu ka socday.
Dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa waxa ay si weyn u soo dhaweeyay Jeneraalka iyo Ciidamadiisa waxa ayna rajo ka qabaan dejinta amaanka Magaalda Marka.
Ugu dambayn safarka jeneral adeerey ayaa imaanaya xilli dhawaan gudoomiyaha gobolka shabelada hoose ibraahim najax uu sheegay arimaha ka taagan gobolka ay Maamul ahaan ka wayn tahay.