Ciidamada booliiska Saldhiga Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo burcad ah, kuwaa oo watay Bistoolada been abuur ah & gaari kuwa raaxada ah.
Labada nin ayaa dadka wadooyinka maraya uga dhici jireen moobeelada iyo sidoo kale Cumputerada gacanta lagu qaato bistoolada been abuurka ah & gaariga.
Taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Gaab) ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay ku guuleesteen in ay soo qabtaan ragaan kadib markii ay xogtooda heleen
Ragaan ayaa inta badan ka qaraaban jireen Degmooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa, waxaa sidoo kale magaladaa ka jira burcad ragan oo kala ah oo qaarkood wata hub caadi ah sidoo kale xiran dareeska ciidanka.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay Moobeelo badan & Computer laabtoob ah kaas oo kooxdan burcada ay dadka ka soo dhaceen.
Arrag