War degdeg ah oo goordhaw kusoo dhacay warqabadka muurinews ee Muqdisho ayaa sheegaya in weerar qaraxyo ah caawa lagu qaaday guriga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow waxaana Xildhibaanka wuxuu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Degmada Hodan, gaar ahaan dhinaca Carwadii Hore.
Qaraxyada oo ahaa Bambooyin gacanta laga tuuray ayaa kadib waxaa la maqlay risaas culus waxaana jira warar sheegaya in kooxihii qaraxa fuliyay ay hubeysnaayeen oo risaas culus ay ku fureyn guriga xildhibaanka.
Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu ka bad-baaday weerarka lagu qaaday gurigiisa.
C.fitaax Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xaqiijiyay in afar ka mid ah ilaaladii Xildhibaanka ay ku dhaawacantay weerarka qaraxa.
Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay ragga weerarka gaystay inay la socdeen laba mooto bajaaj, isagoo intaa ku daray in laamaha ammaanka ay wadaan hawlgalo ka dhan ah raggaasi.