Wasiirka Caddaaladda Xukumadda Soomaaliya C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo shalay ka hadlay Shir looga hadlayo Garsoonka oo laga furay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caddaalada xumida ka jirta Soomaaliya ay gaartay halkii ugu Xumeyd.
C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir ayaa sheegay in Caddaalad darida ka jirta wadanka ay gaartay in dad Nool Nool la gubo sidii Xaabadii islamarkaana ay tahay wax laga Xumado Arrintaas.
Wasiirka Garsoorka Xukumadda Soomaaliya ayaa soo jeediyay in loo istaago soo nooleynta Garsoorka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan Caddaalad iyo sinaan.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Gobolka Shabellaha Hoose Maalmo ka hor lagu gubay 7 Ruux oo 6 ka mid ah ay yihiin Caruur iyo Ayey Dooda.