Shacabka degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa xiligaan waxay dareemayaan in ay fursad u tahay ka faa iideysiga Wabiga shabelle oo mudo ka maqnaa waxana ay iminka qor sheynayaan sidii ay u bilaabi la haayeen tacabka beeraha oo mudo aanan soo Go’in.
Maamulka degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay in wabiga shabeele oo mudo ka maqnaa iminka la arkayo balse uu uu baahan yahay in laga faa iidesto oo kaliya sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Afgooye ee gobolkasi Shabelaha Hoose.
Dhanka kale waxaa jira deegaano aad uga fog degmada Afgooye wabigana uusan weli gaarin una baahan in ay dhankooda ka faa’iideestaan hadaba maxaa uga qorsheysan maamulka degmada Afgooye waxaa su’aashaas ka jawabaya gudoomiye ku xigeenka Afgooye.
Wabiga Shabelle ayaa inta uu maqnaa waxa uu saameyn ku yeeshay inta badan dadka reer miiga h ee ku nool deeegaanada uu maro iyadoona ay jirto in qaarkood ay barakac sameeyeen.