Xubno xog ogaal ah oo la shaqeeya Shariif Xasan sheekh aadan ayaa inoo sheegay in uu jiro khilaaf adag oo ka taagan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada ka imaanaya deegaanada Maamulka koonfur galbeed waxaana si gaar ah khilaafka uu kaga dhxeya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isaga aad uga soo horjeeda in Beelaha ku hoos-nool maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia la kala qaad-qaado islamarkaana la kala faquuqo, waxa uuna awoodiisa isugu geynayaa sida beelaha halkaasi wada dega ay ku heli lahaayen xuquuq siman oo aysan dhicin in beelaha qaar laga tago.
Waxaa cabsi laga qabaa in Khilaafka ka dhextaagan Jawaari iyo Shariif Xassan uu saameyn xoogan ku yeesho ololaha doorashada Xasan Sheekh Maxamuud iyo in Xasan Sheekh uu codad ka helo Xildhibaanada Koonfur Galbeed uga mid noqon doona BFS.
Madaxweyne Xassan ayaa aad ugu tashanaaya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana suuragal ah in xurgufta ka dhextaagan labada mas’uul uu hoos u dhigo rajada Xasan Sheekh, maadaama Xasan iyo Jawaari ay uu sii xoogeystay xiriirkooda.