Taalladaasi oo dhererkeeda dhan yahay lix mitir ayaa laga taagay bartamaha magaalada Ramallah. Munaasabadii furitaanka taalladaasi aya waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Falastiiniyiinta Maxamud Cabaas, madax ka tirsan xukuumadiisa iyo boqolaal dadweyne ah oo ka soo qeyb galay daah furka munaasabadda taallada Nelson Mandela.mandela-ramallah-6
Taallada Mandella oo laga keenay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa kharajka ku baxay waxaa iska kaashaday Hay’ad lagu magacaabo Mandela Foundation iyo Minipallity Johannesburg iyagoona ugu deeqday dadka Falastiiniyiinta in dhulkooda laga taago.
Guddoomiyaha magaalada Ramallah Musa Hadeed oo u waramayay wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegay in farrintaan ay tahay mid muujineysa xornimada qiimaha leh ee caalamka dhexdiisa astaanta u ah iyo halgankii dheeree ee Mandela usoo maray midib kala sooca iyo nabad ku wada noolaanshaha.
Nelson Mandella wuxuu astaan u yahay nabadda bacdamaa uu halgan dheer u soo galay xornimada dalkiisa oo caalamka u noqotay astaan lagu daydo.