Madaxweyanaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta magaalada Beydhabo kula hadlay ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay ka dambeeyaan colaadaha ka dhacaya gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaana uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin in ururka Al-shabaab ay hal dhinac uga soo wada jeestaan.
Dhanka kale madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii ay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay la galeen ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ciidamada Koonfur Galbeed uu kula dardaarmay in ay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka sifeeyaan ururka Al-shabaab.
Dhanka kale Madaxweyanaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan aayaa marna aan soo hadal qaadin dhacdadii ka dhacday duleydka Shalanbood ee lagu xasuuqay Qoys ka kooban 6 Caruur ah iyo Ayeydooda oo 70 jir ah,
Madaxweyanaha Shariif Xasan ayaa qariyay dhibaatada Mooryaanta una bedelay in ururka Al-shabaab ay ka dambeeyaan colaadaha ka dhacaya gobolka Shabeellaha Hoose.