Gabar lagu magacaabo Dima Al -Wawi ayaa waxaa loo qiray inay tahay gabadhii Taariikhda dhaw ugu yareed ee maalin cad Midi ku weerarta ciidamada Yahuuda gaar ahaan kuwooda xooga ku heeysta dhulka Falastiiniyiinta .
Dima Al -Wawi oo iminka 12-jir ah ayaa 9-kii bishii Febraayo ee sanadkaan waxeey Midi ku weerartay ciidamo hubeeysan oo Yahuud ah, balse gabadhaan yar ayaa intaas ka dib waxaa lagu xukumay xabsi 4-bilood ah .
Hay´adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku guuleeystay inay xabsiga ka soo daayaan Dima Al -Wawi oo qarka u saareed xabsi adag waxaana gabadhaan markii laga soo daayay gacanta Yahuuda si weyn ugu dabaaldagay shacabka reer Falastiin .
Qoyska gabadhan iyo dad kale oo Falastiiniyiin ah ayaa gabadhan Geesiyada ah si weyn usoo dhaweeyay ,waxa ayna uga hambalyeeyeen geesinimada ay muujisay iyo sida ay ugu dul qaadatay dhibka ay Yahuuda gaarsiiyeen.