Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Abbaba dowlada itoobiya ayaa bilawday qorshe ay markale isku horkeenayaan M/weynaha Soomaaliya Xasan sheekh iyo C/weli Gaas Madaxweynaha Puntland waxaana kulankaasi diirada lagu saarayaa doorashada dalka ka dhaceysa.
Xasan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia, ayaa Ra’isul wasaaraha ethiopia Helamaryam ka dalbaday in Siyaasad wadaag uu ka dhigi isaga iyo C/wali Gaas si uu taageero dhanka codka ah uga helo Xildhibaanada Puntland uga mid noqon doona BFS.
illo xog ogaaal ah ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu muddo Seddex maalin ah ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, iyadoo ujeedka uu yahay mid la xiriira arrinta dalabka.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa isna lagu wadaa inuu ku laabto magaalada Addis ababa si arrintaani xalkeeda loo raadiyo.