Mursal Ciise oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo ka mid ah gudoomiyaasha gobolka Dalarna ayaa shalay baabuurkiisa laga burburiyay, isagoo idaacada u sheegay in arintaan ay ka dambeyso cunsuriyad.
Mursal ayaa sheegay in ayaantaan weeraro joogto ah lagu haayay isla markaana hanjabaado joogto ah lagu sameeyay Shaqsiyadiisa .
Sidoo kale Mduane Mursal ayaa dacwad u gudbiyay booliska Waxa uu sheegay in ay fariimo badan u soo dheceen kuwaasoo ay ka midyihiin in lagu yiri in uusan wadankaan isagu lahayn isla markaana uu faraha kala baxo arimaha siyaasada.
Mr Mursal ayaa ah siyaasiga keliya ee Soomaaliga ah ee ka mid ah golaha sare ee xisbiga Miljöpartiet (MP) isla markaana ah gudoomiye gobolka Dalarna, Wuxan sidoo kale qeyb weyn ka ahaa aasaaska kooxda kubada barafka ee Somalia Bandy.
Hadaba Maxaa waajib kugu ah hadii dhibaato ay kugu sameeyaan cunsiriyiinta isku balansaday ineey ku banaan baxaan magaalada Borlänge 1-da May? Jawaab cad ayaanu kaaga haynaa, Ururka UMIS ayaa isku soo duba riday sidii ay bulshadooda ugu hortagi lahaayeen dhib kastoo kasoo gaari karto cunsiriyiinta isaga imaan doona dalal dhowr ah.
UMIS ayaa qeybo badan oo dowlada kasoo ogaatay sida looga hortagi karo dhib ka dhalan kara cunsiriyiiinta iyo Soomaalida ku dhaqan gobolka Dalarna.
Talooyin badan ayay UMIS idiin soo jeedinaysaa si aad wax badan u ogaatid fadlan fiirso Video-gaan oo ku camal fal talo kastoo lagu soo bandhigo