C/kaamil Macalin Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaari walax qarxa laga soo buuxiyey iyo raggii watay.
Waxaana uu sheegay in horey ay u ogaayeen xogta Gaariga iyo ragga ay qabteen iyadoo uu sheegay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah.
Gaariga ayaa waxaa la dhigay agagaarka Maqaayad ku taalla xaafada Banaadir ee degmada Hodan.
Gaariga Nuuciisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa Nuuca Raaxada, waxaana Gaariga la socday 2 nin oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda.