Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa gacanta u dhigay gaari la sheegay in waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaa oo la hordhigay Hotelka Royal ee kuyaala magaalada Muqdisho.
Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in ciidamada amaanka lagu soo wargaliyay gaariga laga shakiyay ayna gacanta kusoo dhigeen gaarigaasi ay ku jireen waxyaabaha qarxaa sidoo kale ay saarnaayeen hub.
Ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyay in ciidamada ay qabteen ragii watay gaarigaasi, waxa ayna tani qeyb ka tahay howgalada ay ciidamada amaanka ku fashiliyaan qaraxyada gaadiidka loo adeegsado iyo weerarada qorsheesan, iyadoona jimcihoo hore ciidamada amaanka sidan oo kale qabteen gaari waxyaabaha qarxa ka buuxeen.
Hotelka Royal ee gaariga qaraxa la hordhigay ayaa ah Hotel ay inta badan dhalinyarada magaalada Muqdisho u tagaan nasiinada iyo baashaalka, waxaana hotelkan uu yahay mid si weyn loo soo buux dhaafiyo habeenka Jimcaha.