Suldaanka Guud ee Beesha Biimaal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji oo la hadlay Wakaalada Wararka ee Muurinews.com ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay Warqad la sheegay in uu qoray Axmed Cali Bolol, taasoo uu ku sheegay in uu isaga yahay Suldaanka Beesha Biimaal.
Suldaan Ibraahim Cali Xaaji ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sida uu ku yimaado Suldaan, Suldaan waxaa uu ka yimaadaa Reer Abroone iyadaana Beesha kasoo xusho cidii noqon laheyd Suldaanka Beesha Biimaal.
Mana jirto cid si gaar ah isku magacaabi karta, Suldaanka Beesha Biimaal ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Dad dantooda ay tahay kaliya in ay wax kharibaan, kuna ciyaaraaya dhaqanka Beesha Biimaal.
Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabkii ay usoo xuleen Xildhibaanada beesha Biimaal u matala Dowlada dhexe iyo Maamulka Koonfur galbeed, Maamulka Koonfur Galbeed waxaan ka keenay 11 Xildhibaan Dadka shaqadooda ay tahay in ay anaga wax naga sheegaan waxaa laga rabaa in ay ka hadlaan Xaqii Beesha ay ku laheyd Jubooiynka oo 3 Xildhibaan kaliya laga siiyay.
Waxaan ka rabnaa kuwa anaga wax naga sheegaya waxa Beesha Biimaal ay u haayaan hada ama ay horey usoo qabteen?
Hoos ka Dhageyso Codka Suldaanka oo dhameystiran: