Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegday in gobolka Shabellaha Hoose aanay ka dhici karin wax heshiis ah oo u dhaxeeya beelaha halkaasi ku dagaalsan inta ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugan yihiin halkaasi.
Wasiir beeraha iyo waraabka ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in mar walbo oo ay isku dayaan in wax la xalliyo ay dib usoo furaan mowjado colaadeed ciidanka dowladda.
Waxa uu sheegay in rag ka tirsan Ciidanka wata magaca Dowlada kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose ay ka qeybqaateen dagaal beeleed ka dhacay gobolkaasi.
Inta ciidanka dowladda ku sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose lagama yaabo in heshiis halkaasi ka dhaco, sababta ayaa ah in markii la heshiisiiyo beelaha ay ciidamadii intay baxaan ay dad shacab ah soo dilayaan, meeshiina dagaal uu hadane ka billaabanayo” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dhacdadii dhawaan ka dhacday duleedka magaalada Marka ee lagu gubay carruur iyo ayeeyadood ay ka qeybqaateen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo uu sheegay in la yaqaano lagulana xisaabtami doono.
Waxaan la soconnaa saldhiggii ay ka baxeen ciidankii ka qeybqaatay dadkii lagu gubay Marka, taas wax laga aamusayo ma ahan maxkamad ayaan lasoo tiigsan donnaa.
Sidoo kale Wasiirka beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in hadii ciidamada dowladda meelo cayiman oo aanay kasoo dhaqaaqi karin laga dejiyo gobolkaasi ama gabigoodba la bedalo in la helayo amni iyo heshiis ay gaaraan beelaha Shabellaha Hoose.