Xasan Sheekh ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay magacaabistii shalay uu gudoomiayaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka uu u magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey u ahaa Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland, iyadoo madaxweynaha uu xilkaasi ka qaaday gudoomiyhii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay yaraan doonto cabashooyinkii ay soo gudbin jireen shacabka maadaama la magacaabay gudoomiye cusub.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray dhamaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh ayaa u muuqday mid si toos ah loogu bahdilay gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamada sare Ceydiid ilka xanaf.
MUURINEWS.COM—-MUQDISHO
XULKA WARARKA OO DHAN