Sida ay sheegayaan Wararka nasoo gaaraya waxaa lagu wadaa in goor dhow xarunta Baarlamaanka Somalia uu ka dhici doono kulan degdeg ah oo la doonaayo in looga arrinsado xil ka qaadistii uu ku dhaqaaqay Xassan Sheekh.
Kulankaan Xasaasiga ah ee Xildhibaanada ayaa salka ku haya xilka qaadistii shalay madaxweynaha Somalia uu ku sameeyay Ceydiid Ilka-xanaf.
Ibraahim Iidle Suleymaan Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare ayaa horey u soo noqday Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ay kaga doodeen hanaanka doorasho ee dalka 2016.