Saraakiisha Dowlada ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka NISA ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ku soo qabteen hub isugu jira qoryaha fudud & kuwa culus oo yaalay guri ay dagnaayeen 4 qof oo isku Qoys ah.
Dadka la soo qabtay ayaa waxaa lagu soo bandhigay godka Jilacow waxaana ay ka koobnaayeen Hooyo iyo 3 Dhalinyaro ah oo ay dhashay 2 kamid ah ay Wiilal yihiin halka mida kalena ay tahay Gabar.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan horey loogu raad joogay ciidamada Nabad sugiddana ay joogteyn doonaan howlgallada.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay howlgallo ka dhan Al-shabaab ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.