Waxaa goodhaw Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo xil ka qaadistii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sameeyay Gudoomiyaha Maxkamada sare dalka uu ka bilowday fagaaraha dal jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Waxaa kasoo qeyb galay Banaanbaxa boqolaal dadweyne ah oo laga kala keenay Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna dadkan wataan boorar ay ku tagaeerayaan Wareegtadii Madaxweynaha xilka uga qaaday Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo taageero loo muujinayo ciidanka xooga.
Masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya banaanbaxan oo la sheegay in uu soo abaabulay maamulka Gobolka, waxaana la filayaa in goordhaw halkaasi shacabka kula hadlaan Madax katirsan Maamulka Gobolka.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.
MUURINEWS.COM—MUQDISHO
XULKA WARARKA OODHAN