Abaaro Saqdii dhexe ee xalay ayaa weerar culus waxaa lagu qaaday Xerada Maslax oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM , weerarkaas oo dagaal fool ka fool ee ka dhashay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen socday muddo ku dhawaad Halsaac iyo bar ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in inta dagaalka uu socday ay Ciidanka AMISOM saldhigaasi Maslax ay ka ridayeen Hubka Cul culus oo madaafiicda ay ugu horeeyaan kuwaas oo ku hoobtay Xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, walow aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geysteen Madaafiicdaasi.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas oo xalay cabsi galiyay shacabka degan deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Nawaaxiga Xero Maslax hase ahaatee Al Shabaab ayaa horay weeraro kala duwan halkaas ugu qaaday.
Dhinacooda iyaguna wax war ah ee ay ka soo saareen ma jiro Taliska Ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaas xalay lala kowsaday oo la isku weedaarsaday hubka Cul culus iyo kuwa Fudud intaba.