Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa beeniyay in Dowladda Uganda ay Ciidankeeda qeybta ka ah Howlgalka AMISOM kala baxayso Dalka Soomaaliya.
Paddy Ankunda ayaa sheegay in Warkaasi uu yahay mid Xaqiiqda ka fog oo aysan jirin Talaabo Dowladda Dalka Uganda ay ugala baxayso Ciidamadeeda Soomaaliya oo ay sii joogi doonaan ilaa soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.
“Warka la sheegay in la iga soo xigtay ee ah Ciidamada uganda Soomaaliya waa laga saarayaa waa been aan raad laheyn’ayuu yiri Paddy Ankunda.
Afhayeen Paddy Ankunda ayaa sheegay in Dowladda Uganda ay dib u eegis ku sameyneyso Ciidamada ka jooga Afrikada Dhexe,balse soomaaliya aysan jirin wax Ciidan ah oo laga saarayo.
Uganda ayaa soomaaliya waxaa ka jooga 6000 oo Askari,iyadoo lagu sheego Dalka ugu badan ee Ciidamo Nabad Ilaalin ah ay ka joogaan Soomaaliya.