Waxaa xog cusub laga helay kulankii maalintii shalay dhexmaray wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mareykanka Mr Bruce Wharton, Xasan sheekh iyo R/wasaare Cumar C/rashiid.
Xogta ayaa sheegeysa in kulanka inta badan diirada lagu saaray qaabka doorashada Soomaaliya iyo sidee looga fogaan lahaa wax isdaba marin.
Xasan Sheekh iyo R/wasaare Sharmaarke ayaa la faray in si degdeg ah ay wax uga qabtaan qodobada soo socda:-
1-In xiliga doorashada aan wax wakhti ah lagu kordhinkarin.
2- In muddo bil iyo bar gudahooda lagu bilaabo ololaha doorashooyinka.
3- In muddo 1 bil gudaheeda Al-shabaab looga sifeeyo magaalada Muqdisho iyo Gobollada ay dalka kaga sugan yihiin.
4- In xili dheer la magacaabo guddiyo ka hortaga amni darro ku imaada goobaha suuragalka ah inay doorasho ka dhacdo.
5- In DFS ay xarumo hor leh ka sameysato goobaha ay ku badan yihiin waxa loogu yeero cadowga.
6- In xukuumada ay soo dadajiso hanaanka ay ku hirgalin laheyd doorashada.
Qodobada kor ku xusan ayaa caqabad lama gudbaan ah looga dhigay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka, waxaana suuragal ah in qodobadaasi aysan hirgalin.