Fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatara, Seynab Cige & Fanaaniinta reer Jabuuti ayaa magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti kaga qeyb galay Munaasabada caleema saarka madaxweynaha markii afaraad la doortay ee Cismaaciil Cumar Geele.
Sidoo kale,Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiinta maamulka Jabuuti,waxaana soo qaba qaabiyay Wasaarada warfaafinta ee Dowladda Jabuuti.
Dadkii ka soo qeyb galaya ayaa mar afarad u Hambalyeeya madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele oo ku guuleysatay doorashii dalkaasi oo ka dhacday oo Mucaaradka dhaliilsan yihiin.
Xasan Aadan Samatar oo Fanaaninta ka qeyb gashay Barnaamijka ugu magac weynaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Jabuuti u yimaado caleema saarka madaxweynaha Jabuuti,isagoo ruxay masraxa suugaan macaana ku soo bandhigay.