Hooyadaani oo lagu magacaabo Kim oo kasoo jeeda magaalada Perth ee galbeedka Australia, ayaa mar qura dhashay Caruur 5 ka kooban kuwaasi oo mudo badan la saadaalinaayay.
Kim ayaa caruurtaasi ku dhashay Caafimaad waxa ayna sheegtay inay rajeyneysay 6 caruur ah balse ay u mushay 5 keliya.
Kim oo saaxiib badan ku dhex leh aalada Facebook ayaa sheegtay in dhalmadeeda ay la wadaageyso Asxaabteeda Facebook, sidaana ay ugu soo bandhigeyso si ay u mabruukeeyan.
Caruurtaani ayaa la sheegay in 4 kamid ah ay yihiin gabdho, halka kan shanaadna uu ahaa wiil.