Xiisad ka taagan degmada Afgooye ayaa ka dambeysay ka dib markii Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya uu xilalkii ka qaaday degmada Afgooye.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in Magaalada Afgooye uu u yimid sidii uu u xalin lahaa xiisada ka taagan Afgooye.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay wadaan kulamo wada tashi ah iyo shirar dib u heshiisiin oo lagu xalinayo Xiisada ka taagan degmada Afgooye.
Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay xalinayaan Xiisad ka taagan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.