Suldaanka Guud ee Beesha Biimal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maal mahaan ku sugnaa magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda.
Suldaanka Ibraahim Cali Xaaji ayaa kamid ahaa qorshaha safarkiisu si uu uga qeyb galo caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan shacabka dalkaasi markale ay u doorteen hogaanka dalkaasi.
Suldaanka Ibraahim Cali Xaaji waxaa la socda Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Shabellaha hoose.
Suldaanka Ibraahim Cali Xaaji iyo Wafdiga la socda ayaa caawa lagu marti qaaday in ay ka qeyb galaan casho sharaf ka dhici doonta Madaxtooyada Qaranka Uganda.
Waxaana dhinaca kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan madaxda dalkaasi iyo Salaadiinta dhigiisa ah ee ka soo qeybgali doona caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda.
MUURINEWS.COM–UGANDHA
XULKA WARARKA OO DHAN