Barqanimadii shalay ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa ku jooga Meleteriga Somaaliya oo ku sugnaa degmada Marka waxaa la sheegay in intooda badan ay isaga baxeen degmadaasi Marka.
Qaar kamid ah shacabka degmada Marka oo la soo xariiray Warbaahinta ee Magalada Muqdisho aya waxay sheegeen in ay arkayeen guud ahaan ciidamada oo magalada isaga baxayay balse dadka ayaan cadeyn sababta ay ciidamda u baxayaan.
Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada Marka oo lagu magacaabo Cabduqaadir Shiiqow oo Wareysi siiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada sababta ay u baxeyn ay tahay in ay waayeen wax mushaar ah islamarkaana taas aawgeed ay joogi waaayeen.
Sidoo kale Nabadoonka ayaa intaas ku daray in Ciidamada maaglada Marka isaga baxay aysan aheyn kuwo ka tirsan Meleteriga Somaaliya islamarkaana ay dhibaateyn jireen dadkas hacabka ah ee ku nool sida uu hadalka u dhigay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magalada Marka ayaa waxay sheegayaan in magalada Marka ay la daala dhaceyso dhibaatooyin jogta ah.
MUURINEWS.COM—-MUQDISHO
XULKA WARARKA —-OO DHAN