Ciidamada Talyaaniga oo qayb ah kuwa Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidanka dalka waxaa ay deeq kala duwan gaarsiiyey Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere iyo Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheere, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey Xiriiriyaha barnaamijka deeqaha ciidamada Talyaaniga Kabtan Mooge.
Maxada Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere Ruqiyo Maxamuud Afrax ayaa ka mahad celiyey deeqda la soo gaarsiiyay, iyadoo tilmaamtay inay ku soo beegantahay xilli ay u baahnaayeen.
MUURINEWS.COM—-MUQDISHO
XULKA WARARKA OO DHAN