Dagaalkan oo ahaa mid xoogan islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu ka dhacay Duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Xarakada Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Degaanka Ceel-malable ee Gobolka Bakool.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Cadoow C/raxmaan Jugle ayaa sheegay in Dagaalkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 8 Dagaal yahan oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.
Cadoow C/raxmaan Jugle ayaa sidoo kale waxuu xaqiijiyay in dhankooda uu geeriyooday 1 Askari, islamakaana Dagaalkaasi ay uga dhaawacmeen labo kale oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Cadoow C/raxmaan Jugle ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ay ka socdaan Degaan iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.
Weli ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ay uga jawaabayaan sheegashada Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka .
Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka wadeen qeybo ka mid ah Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Dalka Soomaaliya.
MUURINEWS.COM—BAYDHABO
XULKA WARARKA OO DHAN