Shir sadex geesood ahaa oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamud,iyo Suldaanka Guud ee Beesha Biimaal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji iyo weliba Wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhigga Xukuumada Soomaalia Cabdalla Xuseen Cali ayaa waxa ay kaga hadleen arima badan gaar ahaan xaaladaha ka taagan gobolka shabeelada hoose.
Waxa ay isku afgarteeen in la abuuro wada shaqeyn dhexmarta ciidamada deegaanka iyo kuwa AMISOM si loo soo celiyo kalsoonida shacabka ay u hayaan dowladda soomaaliya.
Sadaxdii Sano ee lasoo dhaafay waxaa gebi ahaanba lumay kalsoonidii ay shacabka shabeellada hoose u hayeeen dowladda soomaaliya. Hadda ayaa waxaa laga raja qabaa in dib loogu soo celiyo amni iyo kala danbeyn dhab ah oo kadhalata gobolka shabeelada hoose.
Sidoo kale Suldaan Ibraahim Cali Xaaji ayaa wuxuu kulan la qaatay Danjiraha Somalia u jooga Dalka Uganda ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
MUURINEWS.COM–UGANDHA
XULKA WARARKA OO DHAN