Wararka laga helayo Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Sh,Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan maanta halkaasi ay ku Dilen labo Ruux oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan gudaha Magaalada Marka.
Qof Goobjooge ah ayaa sheegay in Dilka labadaasi Ruux oo ka shaqeenayay Foorno Rooti uu ka dhacay Xaafada Shamateeri ee Degmada Marka.
Kooxaha Dilkan geystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen halka uu ka dhacay falkaasi Dilka ahaa.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Konfur Galbeed gaar ahaan kuwa Deegaanka ayaa baro cayiman kaga sugan qeybo ka mid ah Magaalada Marka, iyadoona Saraakiisa Ciidamada Deegaanka aysan weli wax jabab ah an ka bixinin Falkaasi foosha Xun.
Sikastaba, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamo huwan magaca Militariga Soomaaliya
MUURINEWS.COM—MUQDISHO
ISHA WARARKA OO— DHAN