kulankan oo uu shir guddoominayay R.wasaare Ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa waxaa ka qaygalay Safiirada Dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalana ay shirka goob joog ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Difaaca iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay halka uu marayo qorshaha Isku Dhafka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo sidii loo tayeen lahaa Ciidanka Soomaaliya.
Ku Xigeenka R.wasaaraha ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo hirgalin lahaa Qorsha Isku dhafka Ciidanka.
Safiirada shirka ka qeybgalay ayaa u sheegay r.wasaare ku xigeenka Soomaaliya in ay diyaar u yihiin taageerada iyo isku dhafka ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.
MUURINEWS.COM—MUQDISHO
ISHA WARARKA—OO DHAN