Shirkadda Tika oo ay Dowladda Turkiga Leedahay ayaa Maanta Qalab isugu jira Computers iyo Printers ku Wareejisay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyadoona Qalabkan Taliska ay ka Caawin doonto in ay u Fududaato Shaqooyinka ay Hayaan .
Xiriiriyaha Tika Mr. Galip Yilmaz ayaa Qalabkan ku wareejiyay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta C/kariim Cali iyadoona Goobta Qalabkan lagula kala Wareegayey ay Goob joog ahaayeen Saraakiil Ciidanka Asluubta ka tirsan oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta S/Guuto Cilmi Waasuge Coloow iyo Masuuliyiin Shirkadda Tika ee Turkiga ka socday .
Turkiga ayaa waxa ay ka mid yahay Dowladaha Xiriirka Dhow la ah Soomaaliya waxaana lagu Xasuustaa in Soomaaliya ay u soo Gurmadeen iyadoo ay ka jirto Abaar Daran Islamarkaana Caalama uu ka aaminsanaa Goob qatar badan oo aan la tagi karin .