Waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya maanta ilaa Beri sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulada dalka ka jira.
Madaxweyneyaasha Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed Jubbaland ayaa muqdisho u imaanaya in ay uga qeyb galaan Shir looga hadlayo Arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo Wadiiqooyinka loo marayo intaba.
Shirka ayaa la Xusay inuu Furmi doono 19-ka Bishaan oo ku aadan Beri oo Khamiis ah.
Dhanka kale waxaa jirta in Baarlamaanka Soomaaliya aysan wali Go’aan rasmi ah ka gaarin Heshiiskii Madasha Qaran Bishii April ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.
Arrimaha ugu weyn ee Shirka ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa laga yaabaa in ay hareyso Dood ku aadan Heshiiskii Madasha oo wali aysan Baarlamaanku Ansixin.
MUURINEWS.COM–MUQDISHO
ISHA WARARKA OO– DHAN