Waxaa maanta magaalooyinka waa weyn ee deegaanada Dowlada Somaliland si weyn looga dabaaldagay munaasabada 18-ka may, oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Magaalada Hargeysa ayaa munaasabad balaaran oo ka dhacday waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xubno kale oo katirsan maamulka Somaliland, waxaa sidoo kale munaasabada kasoo qeyb galay shacabka Hargeysa.
Ciidamada maamulka Somaliland ,ayaa sameeyay dhoolo tusyo kala duwan, waxa ayna Ciidamada iyo kooxo kale ay socod ku mareen fagaare ay kasocotay Munaasabada xuska 18-ka May ay ka qeyb galayeen Madaxweynaha iyo xubno kale.
Magalaooynka kale ee Somaliland sida Burco, Boorame iyo Berbera ayaa si weyn maanta looga xusay munaasabada 18-ka May , waxaana dadka ku dhaqan magaalooyinka Somaliland ay maanta xirteen astaanta maamulkaasi.