Mayaaqad casri ah oo waayahan danbe si weyn Magaalada Muqdisho caan uga noqotey oo la magac baxdey Pizza House ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxa ay geyiga Soomaalida keentay Shaneemada 7D loo yaqaan ee dunida casriga ka ah, isla markaana indha xirashada (ookiyaalaha) gaarka ah loo xirto si daawashada loogu raaxeysto.
Dhalinyarado badan oo markii horeba Maqaayaddan cuntooyinkeeda la ammaaney ku jeclaa ayaa haddana billaabey in ay Filimaan daawasho u yimaadaan, waxaana xusid mudan in Gabadhaha imanaya Maqaayaddan si Filimaanta 7D -ga ah u daawadaan ay ka bateen wiilasha, taasoo aad mooddo in ay tahay wax ku cusub dhaqankii Shaneemada ee Muqdisho horey looga yaqaaney, kaasoo wiilashu ay uga badnaayeen Gabdhaha.