Waxaa maanta Magaalada Lambar50 ee gobolka shabeelada hoose gaaray wafdi Xildhibaano oo horudhac u ah wafdi ballaran oo maalmaha soo socdo gaari doono gobolka shabelada hoose.
Wafdigan horudhaca ah ayaa waxa ay ka koobnaayeen 4 xildhibaana oo katirsan Maamulka koonfur Galbeed kana soo jeeda deeganada ay iminka booqdeen.
Wafdiga kale ee la filayo maalmaha soo socda in ay ay gaaraan Magaalada Nambar 50 ayaa waxaa hogaamindoona gudoomiye ku xigeenka gobolka shabelada hoose xagga maamulka iyo siyaasadda mudane xassan shiine.
Booqashadan qorsheesan ayaa timid kadib markii ay ka damqadeen dhibaatada iyo colaadaha ragaadisay dadka ay magacooda xilka ku kahayaan. Waxyaabaha ugu muhiimsan ay deegaanadaas ka soo qaban doonan ayaa waxaa ka mid ah in ay soo indha indheyaan sida ay dhibaatada usaameysay deeganadaas.
Iyo weliba sida ugu wanaagsan ee xal waara looga gaari karo dhibaatooyinkaas soo maray deeganadaas. Sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka taagnaa gobolka shabeelada hoose dhibaatooyin aad uweyn oo isugu jiray dil, dhac iyo weliba dad lagubo oo aan ka mid ahyn dhaqanka soomaalida si kastoo laysu colaadiyo; iyadoo dhibaatooyinkaasi ay geeysanayeen qabiil huwan magaca dowladda federaalka soomaaliya.
Waxaan si Toos idiin kugu soo gudbin doonaa wixii warar ah ee ku soo kordha booqashada wafdigan iyo wafdiga kale ee ballaaran ee dhawaan lafilayo in ay iyaguna tagaan deeganadaas.
MUURINEWS.COM—XAFISKEEDA UGANDA
ISHA WARARKA OO DHAN
muurinews@gmail.com