Munaasabadda lagu caleemo saarayay ugaaska beesha Garre oo lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, maamulka gobolka Shabeelaha hoose, guddoomiyaha degmada Afgooye, salaadiin iyo qeybaha bulshada.
Caleemo saarka ugaaska beesha Garre, Ugaas Abuukar Ugaas Maxamed Macalim Xasan, ayaa waxaa ka hadlay inta badan salaadiinta beelaha gobolka Shabeelaha hoose waxayna si weyn u soo dhoweeyeen caleemo saarka ugaaska.
Xafladda caleemo saarka ayaa intii ay soctay waxaa ka qeybgaliyaasha munaasabadda suugaan kala duwan halkaas ugu soo jeediyay kooxda Fanka ee Shambal.
Guddoomiyaha degmada Afgooye, ee gobolka Shabeelaha hoose, C/naasir Caalim oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay taageersan yihiin ugaaska isla markaana maamulka uu si dhow ula shaqeynaayo odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolka Shabeelaha hoose.
Xildhibaan C/kaafi, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay ugaaska la duubay isagoo sheegay in loo baahan yahay in ugaaska lala shaqeeyo si hwoshiisa u guto.
Ugaaska beesha Garre, Ugaas Abuukar Ugaas Maxamed Macalim Xasan, oo xafladda soo xirey ayaa u mahadceliyay dadkii u duubtay in uu noqdo ugaas, waxaana uu sheegay in si daacad ah ugu shaqeyn doono, isagoo codsaday in lala shaqeeyo.