Waxaa maanta Magaalada Baydhaba lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa doorka haweenka ee hogaanka iyo xasilinta dalka; tababarkaas oo soconayay muddo 4 maalmood ah waxaana soo qabanqaabisay wasaaradda haweenka ee koonfur Galbeed soomaliya.
Intii lagu guda jiray gebagabadii tababarkaas waxaa kahadlay haweenkii ka socday 18ka degmo iyo sadexda gobol ee dowlad goboleedka southwest sate.
Waxa ayna meesha ka sheegeen aqoontii ay kakororsadeen mudadii uu socday tababarka. Waxa ayna ballanqaadeen in ay kaqeybqaadandoonaan hogaaminta iyo xasiloonida deegaanada ay ka socdaaan.
Ugu danbeyntii ; waxaa qudbad dardaaran ah ka jeedisay wasiiradda waxqabadka lagu bartay ee wasaaradda haweenka marwo BINTI IBRAAHIM CALI iyadoo kula dardaarantay haweenkii tababarkaasi nasiibka uyeeshay in ay kaqeybgalaan in ay wax ka bedalaan deegaanada ay ka yimaadeen oo ay cilmigooda kula noqdaan. Ahmed ali Mohamud Ahmedgacal85@gmail.com
MUURINEWS.COM–UGANDA
ISHA WARARKA OO –DHAN