Ciidamo ka tirsan kuwo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxey caawa howgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulka Gobolka Galbeed ayaa Muurinews.com waxey u sheegeen in howlgallo uu ka bilaawday Caawa Magaalada,inkastoo Saraakiisha ay sheegeen in howlgallada xoogooda ay soo gaba gabeeyeen.
Howlgalladan ballaaran ayaa Saraakiisha Booliska waxey ku micneeyeen mid lagu xaqiijinayay amaanka, islamarkaana looga hortagayay falalka amaan darri ee ka dhaca Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro Dad ah, kuwaasi oo la geeyay Xarunta Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo, halkaasi oo Su’aallo lagu weydiinayo.
Waxaa Saraakiisha ay ka dalbadeen Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falal amaanka liddi ku a
28 Bishii Febraayo Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay Qaraxyo is-xigay kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 58 Ruux iyadoona xusid mudan in Qaraxyadaasi ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.
MUURINEWS.COM–BAYDHABO JANAAY
ISHA WARARKA— OO DHAN