Sidaan horay idiin kugu sheegnay waxaa maanta gaaray gobolka shabeelada hoose wafdigii lafilayay in ay gaaraan degmada Lambar50.
Wafdigan ayaa gaaray sacaad kahor degmada lambar 50 iyagoo sii maray deegaanka muuri. Waxaa wafdigan horkacayay gudoomiye ku xigeenka xagga siyaasadda iyo arimaha bulshada mudane xassan shiine.
Wafdigan ayaa soo dhaweyn kala kulmay shacabka iyo maamulka degmada lambarkonton. Waxaa la filayaa in ay kulamo laqaataan gudoomiyaha degmada iyo shacabka qeybihiisa kaladuwan iyagoo kala hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha baahsan ee hareeyay degmada marka iyo deegaamada ku heeraarsan.
Waxaan idiin soo gudbindoonaa sawiro muujinaya qaabka loosoo dhaweeyay wafdiga ; wixii war ah ee ku soo kordhana si toos ayaad ugula socondoontaaan muurinews.com.
MUURINEWS.COM–MUQDISHO
ISHA WARARKA OO– DHAN