Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay dhismaha xukuumada cusub ee maamulka Jubba Land uu dhawaan ku dhawaaqay Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe.
Xubno uu ka mid yahay Max’ed Cali Adan Qalin ayaa shir jiraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxayna si weyn ugu soo dhaweeyeen dhismaha Golaha Wasiirada maamulka Jubba Land.
Waxayna si gaar ah u soo dhaweeyeen Wasiirka Caafimaadka maamulka Jubba Land oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Jubba Land Axmed Madoobe ayaa dhawaan ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo in mudo ah laga sugayay.
MUURINEWS.COM–KISMAAYO
ISHA WARARKA OO –DHAN