khilaafada islaamka ee Daacish kooxda isku sheegtay gaar ahaan faraceeda dalka Yeman, ayaa soo bandhigtay muuqaal aragagax leh, kaasoo ay si fool xun oo aan horay loo arag u dilayaan 3 maxaabiis ah oo ka mid ah ciidamada dalka Yeman.
Muuqaalkan ay kooxdu soo bandhigtay islamarkaasina ugu magac dartay “Burburi cadawgaada”, ayay kooxdu inta gacmahaa ka xirtay mid ka mid ah maxaabiista madaxa u saartay meel dhagax ah, dabadeedna madaxa kaga dhufanayaan dhagax weyn, halka midka labaad ay si arxan daran qoorta ugu gowraceen, midka sedexaadna isagoo indhahiisa furan ayey rasaas si xun ugu furayaan.