Xubnaha Xisbiga AK oo uu ka tirsan yahay Madaxweynaha Turkiga, , ayaa Axadii shalay doortay Gudoomiyaha Xisbigaasi ahna Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, oo ay u doorteen Binali Yıldırım.
Binali Yıldırım oo ahaa Wasiirkii Gaadiidka Turkiga, ayaa noqday ninka keliya ee xilkaasi isu soo sharaxay, iyadoona ay si buuxdo codka u siiyeen Xubnaha Xisbiga.
Madasha lagu doortay Ra’iisal Wasaaraha cusub, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore, Ahmet Davutoğlu, kaasoo hadda ah Xildhibaan Baarlamaanka Turkiga ka tirsan.
Mr. Davutoğlu, ayaa 5-tii bishan si kedis ahayd ugu dhawaaqay in uu xilka ka degaayo, ka dib markii uu ka horyimid qorshaha Madaxweynaha uu la yimid, ee ah wax ka bedel in lagu sameeyo Dastuurka, si loo kordhiyo awoodda Madaxtooyada.
Ra’iisal Wasaaraha cusub oo si dhow loola xiriiriyo Madaxweyne Erdoğan, ayaa waxaa uu helay taageerada Madaxweynaha, iyadoona uu Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay in uu noqdo Ra’iisal Wasaarihii Wadanka.
Taageerayaasha Erdoğan oo isugu soo baxay Magaalada Ankara, ayaa waxay soo dhaweeyeen Ra’iisal Wasaaraha cusub, waxayna u muujiyeen inay taageersan yihiin.
MUURINEWS.COM–TURKIGA
ISHA WARARKA OO–DHAN