Sida aan ku helnay Xog gaar ah oo naga soo gaartay magaalada kismaayo Axmed madoobe madaxweynaha Jubba-land ayaa magacaabaya wasiiro cusub iyo kuxigeenadooda waxaana wasiiradii hore uu magacaabay ay tiradooda gaareysay 17 iyadoo la gaarsiin doono 20 wasiir.
Wasiirada aadka loo hadalhayo ee madaxweyne Axmed Madoobe uu soo magacaabayo ayaa waxaa lagu sheegayaa wasiirka madaxtooyada Jubbaland, wasiirka haweenka iyo wasiir kale.
Shaqsiga si weyn loo hadal hayo in laga dhigayo wasiirka madaxtooyada Jubbaand ayaa waxaa lagu sheegay Axmed Cabdiraxmaan Xassan (Axmed Sitiin), Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa la isla dhexmarayaa Sahra Dable iyo Xaliimo Xasan.
Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaan hasayeeshee Odayaasha, siyaasiinta iyo dadweynaha reer Kismaayo ayaa aad u hadal haya arrinta magacaabista sadexda wasiir.
MUURINEWS.COM–KISMAAYO
XOGTA WARARKA OO–DHAN