Jen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo ahaa Taliyihii qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu ka tagay Shaqadii Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir iyadoo aysan jirin Cid ku qasabtay inuu Xilka ka tago islamarkaana uusan Cidna Dacwo ka aheyn.
Cali Gaab ayaa intaa ku daray inuu qabto Shaqo wanaagsan islamarkaana uu la shaqeyn doono Laamaha Ammanka dalka inta uu nool yahay oo uu dhanka Nabad Galyada ka gacan siin doono Laamaha Ammaanka Soomaaliya.
Hayeeshee Xilka tagista Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidamada Booliska e Gobolka banadir ayaan la ogeyn wax sababay marka laga reebo inuu sheegay in isaga uu Xilka ka tagay,sababta ku kaliftayna uusan shaacin doonin.