Wafdigii ka socday Dowlad goboleedka koonfurgalbeed Soomaaliya ee maalmahan ba ku sugnaa gobolka shabeelaha hoose ayaa boogasho ku gaaray degmada Marka.
Waxaa degmada Marka ku soo dhaweeyay gudoomiyaha degmada Xassan Cumareey iyo shacabka Magaaalada waxa ayna kulamo kala duwan laqaateen shacabka degmada iyo madaxdoooda.
Wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka gobolka shabeelaha hoose Mudane Xassan Shiine ayaa wada dalaaalo Nabadeed oo lagu doonayo in dib loo sooceliyo dhamaaan adeegyadii bulshada iyo amniga maagalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha hoose.
Wagdigan ayaa lafilayaa in ay maanta booqasho kutagaan deegaanka Ceeljaale iyagoo weliba kulamo kula yeelan doonaan ciidamada AMISOM saldhigooda ceeljaale, iyagoo kawada hadli doonaan sidii dhibada loogu taagi lahaa maamulka magaalada marka.
Wixii warar ee ku soo kordha boogashada wafdigan ay ku gaari doonaan deegaanka ceeljaale dib ayaan idiin kaga gudbin doonaa.
MUURINEWS.COM–KAMPALA
ISHA WARARKA OO–DHAN