Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Uganda u fadhin doona dalka Danjire Prof Sam Tulya Muhika.
Xasan sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.
Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka ciidammada, tababarka shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.
Xasan Sheekh ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.
Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal.
MUURINEWS,COM–UGANDA
ISHA WARARKA OO DHAN