Waxaa shalay gaaray deegaanka ceeljaale wafdi ballaaran uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka gobolka shabeelada hoose xagga siyaasadda iyo maamulka Mudane Xassan shiine; gudoomiyaha ayaa waxaa safarka ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka koonfurgalbeed Soomaaliya xildhibaanadaas oo ah kuwo kasoo jeeda deegaanka.
Wafdigan ayaa kala kulmay dadka deegaanka soo dhaween aad u ballaaran iyagoo farxad iyo reereyn ka muuqatay wajiyadooda. Sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen odayo dhaqameedka iyo dhamaan waxgaradka ka soo jeeda deegaanka; iyagoo kawada hadlay xaaladaha amaan iyo midda nololeed ee deegaanka.
Odayada ayaa warbixin dheer ka siiyay xaaladaha nololeed ee deegaanka iyo dhibaatooyin u baahan in laxaliyo. Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka ayaa u ballan qaaday odayada iyo dadka deegaanka in uu wax ka qaban doono dhamaan dhibaatooyinka amni iyo midda nololeed ay tabanayaaan.
Waxaa uuna u sharaxay ajandahooda ku aadan nabadeeynta iyo xasilinta deegaanka. Gudoomiye shiine iyo wafdiga lasocda ayaa dadaal dheeri ugu jiro xasilinta iyo dib usoo celinta dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo isdhex galka bulshada ee deegaanadaas. Isha wararka oo dhan- muurinews.com Ahmed ali mohamuud
KALA SOCO WARAR SUGAN